Banaanbax ballaaran oo ka socda magaalada Baladweyne

Banaanbax ballaaran oo ka socda magaalada Baladweyne

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa saakay ka soconaya banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka ay Israa’iil ku sameeysay madaxbanaannida Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galaya boqolaal dhallinyaro oo u badan ardayda iskuulada magaalada Baladweyne, waxaana uu yahay bananbaxa mid xoogan oo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka iyo degmada Baladweyne, ayaa ka qeyb galaya banaanbaxa, waxaana soconaya khudbadaha ay jeedinayaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Shacabka dhiganaya banaanbaxa ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin “doonimeyno Yahuuda” iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan in lagu xadgubkarin midinimada Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo wadooyinka magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada amniga.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.