Banaanbaxii lagu waday inuu ka dhacay Muqdisho oo la baajiyay

Banaanbaxii lagu waday inuu ka dhacay Muqdisho oo la baajiyay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta baaqday banaanbaxii nabadeed ee ay ku dhawaqeen xubnaha mucaaradka dowladda, oo maanta qorshaha ahaa inuu dhaco.

Dadaalo ay hormuud u ahayeen Ugaasyada, Imaamyada iyo guddi xildhibaano ah, ayaa ku guuleystay in la baajiyo banaanbaxa ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.

Kulamo saacado badan qaatay oo ka dhacay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, ayaa Madasha Samatabixinta ku aqbashay soo jeedinta ka dhalatay dadaaladaas oo ku saabsana in la joojiyo banaanbaxa horay u iclaamisay Madasha.

Madasha Samatabixinta iyo dhinacyada ku howlana dadaalka lagu baajiyay banaanbaxa ayaa isla gartay in dib loo dhigo mudo sagaal maalmood ah si farsamo ahaan looga shaqeeyo goobta, goorta iyo habka uu ugu dhici lahaa si nabdoon oo sharciga waafaqsan.

Hoggaamiyaasha dhaqanka iyo xildhibaanada oo shir jaraa’id qabtay xalay ayaa lagu xaqiijiyay in banaanbaxu yahay xuquuq dastuuri ah ee muwaadiniinta, hayeeshe loo baahan yahay in lagu qabto si nabad ah oo ay dowladda amnigeeda ku sugayso.

Geest kale tallabadaan ayaa lagu soo afjaray xiisad culus oo maalmahan ka taagneyd Muqdisho, taasoo keentay cabsi iyo walaac xooggan oo ay muujiyeen shacabka ku nool Caasimadda oo ka baqayay in banaanbaxu isu beddelo mid hubeysan ama sababa qalalaase amni darro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.