Banki caan ah oo loo hyasto in uu taageero argagixiso

Banki caan ah oo loo hyasto in uu taageero argagixiso

London (Raxanreeb) — Banki laga leeyahay dalka Britain ayaa ka baxsaday dacwada la xiriirta in uu fududeeyey qorshe malaayiin Doollar oo lacag ah loogu gudbiyey kooxo taabacsan argagixiso.

Sida ku cad waraaqo caddeyn ah oo lagu soo bandhigay maxkamad ku taal Mareykanka, Bankiga Standard Chartered oo ka mid ah bankiyada ugu waa weyn UK, ayaa ka bedbaadey dacwad uga timaadda Waaxd Caddaalad Mareykanka, ka dib markii ay soo faragelisey xukuumaddii Lord Cameron 2012.

Caddeymo cusub oo la hor keenay maxkamad ku taal magaalada New York ayaa muujinaya in bankigani kulug yeeshay macaamilaad maaliyadeed oo ku kacaya qiime dhan Boqol bilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo intii u dhexeysay 2008 illaa 2013 uu u fuliyey dalka Iran, iyadoo ay dalkaas saarnayd cunaqabatayn calami ah.

Khuburo madaxbannaan ayaa sidoo kale ogaadey in bankiga Standard Chartered uu sidoo kale ku lug lahaa ku dhowaad toban bilyan oo Doollar oo lacag adag oo loo waaridey kooxo dowladda Mareykanku u aqaansantahay “agagixiso”, sida Xisbullah, Xamas, al-Qaeda iyo Taliban.

Haseyeeshee Bankiga ayaa si adag uga hor yimid eedeynta loo soo jeediyey, isagoo ku andacoodey in dadka firimbiga ku yeeriyey aysan la soo shir tagin eedo loo qaateen ah.