Bashaar Al-Assad oo xaskiisa iyo Caruurtiisa kala baxay dalka Suuriya

Bashaar Al-Assad oo xaskiisa iyo Caruurtiisa kala baxay dalka Suuriya

Dimishiq (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Assad, ayaa hadda u muuqda mid niyadjabsan oo xaalka kusii xumaanayo, waxa uuna gudaha Suuriya kala baxay inta badan qoyskiisa, si ay uga nabad galaan duullaanka hubeysan ee kooxaha mucaaradka.

Sidoo kale, Sargaal sare oo katirsan dowladda Suuriya ayaa wargeyska Wall Street Journal kasoo xigatay in qoyska Madaxweynaha ka baxeen magaalada Dimishiq, waxa uuna sargaalkan xaqiijiyay in hadda carruurta Madaxweynaha ay joogaan dalka Ruushka.

Dhanka kale, xaaska madaxweynaha iyo xubno kale oo qoyska Bashaar kamid ah ayaa iyana la sheegay in ay ku sugan yihiin dalka Imaaraadka Carabta, waxa ayna tani u muuqataa in qoyska Madaxweynaha ka niyad jabeen in dalkooda kusii noolaadaan.

Magaalada Dimishiq iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw ayaa sidoo kale waxaa isaga baxaya dadka hantida heesta ee kasoo jeeda qowmiyada Calaawiyiinta uu kasoo jeedo Madaxweynaha Suuriya, kuwaa oo ka cabsi qaba aargoosi.

Sikastaba, mucaaradka dalka Suuriya oo hadda la wareegay magaalooyin badan ayaa ku wajahan magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, waxaana magaaladaasi ka baxaya ajaaniibta iyo dadka kale ee awoodda in halkaasi isaga baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.