Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay Garowe

Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay Garowe

Muqdisho (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan lagu muujiyay taasoo ah, xiisadda ka taagan hastan magaalada Garowe, ee xarunta gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland.

Beesha Caalamka ayaa walaacooda ku saleeyay arrinta ku saleysan dhaqdhaqaaqyada ka jira Puntland gaar ahaan magaalada Garowe oo halkaasi xiisadda ka taagan ay cabsi ku abuurtay shacabka ku dhaqan.

“Saaxiibada Beesha Caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

Sidoo kale Saaxiibbada Beesha Caalamka ayaa ka digay rabshado inay ka dhacaan Garowe ayagoona sheegay in wax kasta lagu xalliyo wada-hadallo iyo xasilooni siyaasadeed.

“Ma jirto wax marmarsiiyo ah, oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog ah, cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

“Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah”. Ayaa lasii raaciyay.

Hasayeeshee, Beesha Caalamka ayaa farriin u dirtay Deni iyo mucaaradka ku loolamaya doorashada, xaaladda adag ee siyaasadeed ee ka taagan Garowe.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Warsaxaafadeedkan, ayaa si wada jir ah, usoo wada saareen, ATMS, Jabuuti, Itoobiya, Denmark, Belgium, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

Xiisadda ayaa sababtay doorasho la isku haaysto oo wakhtigeeda la joogo halka ay isku mari la’yihiin madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, iyo Mucaaradka.