Labo diyaaradood oo ku burburay Wajeer

Labo diyaaradood oo ku burburay Wajeer

Wajeer (Raxanreeb) — Magaalada Wajeer ee Gobola Waqooyi Bari, ayaa waxaa shalay ku bur-buray halkaasi laba diyaaradood oo ah, nooca qumaatiga u kaca kuwaas oo loogu talalagalay samata bixinta dadka ay fataahada saameeyeen.

Labada diyaaradood ayaa mid ka mid ah, wadday gaagaar loogu talalagalay dadka roobka xooggan ku dhuftay ee sababay fatahaadaha, deegaanka Buna, ee waqooyiga magaalada Wajeer.

Diyaarada ayaa ahayd nooca Mi17, loo yaqaano taas oo ay lahaayeen millatariga Kenya, diyaarada ayaa hawada gashay ayadoona daqiiqado kaddib cillad ku timid kadibna soo dhacday ayaa sababtay dhaawac dadka saarna halka loola cararay Isbitaalka.

Diyaaradda kale ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari ee Kenya, xilli ay kusii socotay deegaanka Arbajahan, si ay usoo daad gureeyso arday ku xannibnaa deegaankaasi.

Dowladda Kenya ayaana weli ka hadal dhacdadani, bur burka xooggan ee soo gaaray labada diyaaradood iyadoona kusoo aadeyso xilli adag oo roobab xooggan oo fatahaado wato uu ka da’ay dalka Kenya.