Beesha waceysle Abgaal oo bariga Galgaduud gaari safar ah kala degtay dad safar ahaa.

Beesha waceysle Abgaal oo bariga Galgaduud gaari safar ah kala degtay dad safar ahaa.

Galgaduud (Raxanreeb online) – Bariga gobolka Galgaduud waxaa ka taagan xiisad xooggan oo xillagan u dhaxeysa labo beel halkaas wada dega, waxaana labada beel hadda ka dhax bilowday in ay dad iska qafaashaan, taas oo hadda saameyn ku yeelatay dadka safarka ah.

Sidoo kale, ciidamo maleeshiyaad macawuusley ah oo kasoo jeeda beesha Waceysle Abgaal uu ka dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shalay gaari safar ah oo ka yimid dhinaca deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud kala degtay saddex nin oo kasoo jeeda beesha Abakar Murusade.

Dhanka kale, maleeshiyaadkan ayaa gaariga safarka ah oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho kala degay saddex nin oo rakaabka gaariga saarnaa kamid ahaa, waxa ayna ragaasi la aadeen dhinaca degmada Ceeldheer oo horey loogu hayay nin kale oo isna lasoo afduubtay.

Afduubka raggan ayaa daba socda saddex nin oo siyaabo kala duwan horey isaga qafaasheen beelaha Waceysle iyo Abakar, kuwaa oo ay ku kala heestaan deegaanno ay kala degaan labadaasi beel, waxaana hadda xiisada u dhaxeysa labadaasi beel ay gaartay meel xun.

Ugudambeyn, dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin ilaa hadda xiisadan ka dhax taagan labada beel ee wada dega bariga gobolka Galgaduud, kuwaa oo bilaabay in ay dad iska afduubtaan, waxaana jirta xiisad ah in xaalka kasii daro haddii aan xal loo helin arrimahan hadda taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.