Boliiska Puntland oo gacanta kusoo dhigay Burcad-badeed Soomaali ah iyo Doontii ay wateen.

Boliiska Puntland oo gacanta kusoo dhigay Burcad-badeed Soomaali ah iyo Doontii ay wateen.

Garoowe (Raxanreeb online) – Ciidanka booliiska maamulka Puntland , ayaa howlgal saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen koox burcad-badeed Soomaali ah iyo doontii ay wateen, waxaa sidoo kale ciidamada qabteen hub ay wateen raggan la qabtay.

Howlgalkan ciidanka fuliyeen oo ka dhacay xeebaha gobolka Raascaseyr ayey booliiska Puntland kusoo qabteen saddex nin oo kamid ahaa kooxaha burcad-badeeda, waxaana raggan la qabtay la geeyay saldhig ciidan oo hadda lagu baarayo.

Dhanka kale, War kasoo baxay booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada wadaan howlgal kale ay ku baadigoobayaan afar nin kale oo kamid ah burcad-badeeda, kuwaa oo la socday raggan la qabtay balse ka baxsaday gacanta ciidamada ammaanka.

Booliiska Puntland ayaana sheegay in tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo kamid noqotada kooxaha burcad-badeeda ama khal khal galisa amniga Puntland, waxa ayna shacabka ka codsadeen booliiska in ay lasoo wadaagaan xogta kooxaha amni darada ka shaqeenaya.

Sikastaba, deegaannada  Puntland waxaa ka howgala kooxo burcad-badeed Soomaali ah, kuwaa oo mararka qaar fuliya weeraro ay kusoo afduubanayaan maraakiib, bilooyin kahor ayaana xeebaha Puntland waxaa ka dhacay afduub loo geestay Markab Bangaladesh laga lagaa, kaa oo madax furasho lagu sii daayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.