Booliska Soomaaliya oo ka hor-istaagay xildhibaano kulan ku lahaa Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Qaar kamida Xubnaha Xildhibaanada la magac baxay Baarlamaanka xorta ah oo saakay doonayay in ay kulan ku yesheen hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho, ayaa laga hor-istaagay sida ay xaqiijiyeen xildhibaano katirsan mucaaradka.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu cadaadis ku saaray hotelka Jaziira inuusan marti gelin kulamada Xubnahan oo sakaay rabay inay Yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay ee Ajande leh.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa iisheegay in Macalin Mahdi uu tegay hotelka, isla markaana uu ku amray inaysan kulankaas marti gelin balse waxay ku wargeliyeen inuu soo qaato warqad maxkamadeed.

Xaalada siyaasadeed ee dalka, ayaa cirka isku shareertay, tan iyo markii todobaadkii hore ee Muqdisho soo gareen madaxda Puntland iyo Jubbaland, kuwaasi oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka watashiga ee ay iclaamisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka iyo xalka uu ka dhici doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.