BOOSAASO : Koox ka tirsan Daacish oo gacanta lagu dhigay.

BOOSAASO : Koox ka tirsan Daacish oo gacanta lagu dhigay.

Boosaaso (raxanreeb )- Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal looga hortagayay falalka amni daro ee ka dhaca magaalada.

Sida ay sheegeen Saraakiisha howlkaan ayaa ahaa lagu xoojinayo amniga magaalada waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Shabaab.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee falkaan, waxaana ku socda baaritaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland sida dhulka Buuraha Galgala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.