Cali Guudlaawe oo isbadal ku sameeyey qaar kamid ah golaha wasiirrada Hir-shabeelle

Cali Guudlaawe oo isbadal ku sameeyey qaar kamid ah golaha wasiirrada Hir-shabeelle

Jowhar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Guulaawe  Xuseen oo soo saaray digreeto ayaa isbadal ku sameeyey golaha wasiirrada ee Hir-shabeelle.

Digeerada madaxweynaha ayaa lagu saleeyey qoddobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Dowlad goboleedka Hir-shabeelle iyo sida ay muhiimad ugu leedahay in la helo wasiirro gudan karo waajibaadkooda shaqo.

Isbadalkan ayaa sameeyey hoggaanka Wasaaraddaha Shaqadda, Tamarta, Warfaafinta iyo Maaliyadda ee Hir-shabeelle.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa magacaabay wasiirrada cusub ee kala ah: Baashi Cabdi Maxamed oo loo magaaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Saalax Maxamed Xasan oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Keyraadka Biyaha.

Sidoo kale waxaa la magacaabay Cabdikariim Nuur Xasan (Doob-yare) oo noqonaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska iyo Cumar Maxamed Soomane oo loo magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha.

Isbadalkan ayaa lagu sheegay inuu yahay in sare loogu qaado shaqada iyo waxtarka wasaaradaha kala duwan ee maamulka Hir-shabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.