Hargeysa ( Raxanreeb Online) Ciidamo katirsan maamulka Somaliland ayaa maanta Jirdil iyo Xarig ku bilaabay Qaxootiga wadamada Carabta ee ku nool magaalada Hargeysa.
Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa lagu arkayay tacadiyo kala duwan oo ay la kulmayaan Qoysas kasoo jeeda qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku nool magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Tacadiyadan oo isugu jira jirdil iyo xad-gudubyo kale ayaa waxaa si bareer ah u geysanaya ciidanka Booliska maamulka Somaliland kuwaa oo qoryo ku garaacaya dhulkana ku jiidaya sida muuqalku muujinayo dad isugu jira Waayeel iyo Haween .
Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa sheegay inaysan helin Cadaalad oo aan lasoo qaban askartii falkan geysatay oo saraakiil sare sare ay hoggaaminayeen islamarkaana ay u baahanyihiin badbaadin deg deg ah.
Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inuu culeys saaray qaxootiga u dhashay Wadamada carabta ee ku nool magaalooyinka maamulkaasi tan iyo wixii ka dambeeyey sheegashadii ISRA ee aqoonsiga maamulkaasi.

Leave a Reply