Ciidanka amniga Puntland oo gacanta ku soo dhigay nin dil ka geystay Garoowe

Ciidanka amniga Puntland oo gacanta ku soo dhigay nin dil ka geystay Garoowe

Garoowe ( Raxanreeb Online) Howlgal ay sameyeen ciidanka Booliska Puntland ayaa waxa ay ku soo qabteen eedaysane loo haysto dilkii marxuumad Kawsar Maxamed Axmed oo shalay subax ka dhacay magaalada Garoowe.

Warkan oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay lagu sheegay in Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ku guulaysteen soo qabashada eedaysane Cabdullaahi Muuse Fidaar oo loo haysto dilkii marxuumad Kawsar Axmed Maxamed oo ku dilay aagga xarunta NECSOM ee Garoowe.

“Waxaa ciidanka poolice Dawlada puntaland Gaar ahaan Qaybta police G/nugaal ku guulaysteen. In ay soo Qabtaan. Edaysane cabdulaahi muuse fidaar. kasoo magalada Garoowe Aaga Necsom ku dilay marxuumad kawsar maxamed Axmed” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland.

Maamulka Puntland, ayaa dhowaan dedaal badan ku bixinaya in shaqsigii geysta dil ama dhac sharciga sida ugu dhaqsiyaha badan loo marsiiyo, si ay ugu waana qataan dadka inta badan dhibaatada geysanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.