Qooqaani ( Raxanreeb Online) Ciidanka daraawishta maamulka Jubbaland ayaa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, ka sameeyey howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada, isla markaana looga hortagayay falalka amni darrada ah ee kooxda Al-shabaab ka geystaan Jubbaland.
Taliyaha ammaanka magaalada Qooqaani, Maxamuud Aadan Xasan oo howlgalka hoggaamiyay ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dedaalada joogtada ah ee lagu sugayo amniga magaalada.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay ka sameyeen waddooyinka soo gala magaalada iyo kuwa ka baxa, si looga hortago weerarada ay marmarka qaar maleeshiyaadka Shabaab ka geystaan deegaanada Jubbaland.
“Ujeedada Howlgaladan waxa ay tahay in la adkeeyo amniga iyo in bulshada amnigooda la xaqiijiyo ee ku safra wadooyinka Qooqaani ka baxa iyo kuwa soo gala, gaar ahaan meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee caadeetay in ay Shacabka dhibaateeyaan” ayuu yiri Taliye Maxamuud Aadan.
Sikastaba howlgalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay wadaan hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Jubbaland.

Leave a Reply