Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal culus ka fuliyay Jubadda Hoose

Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal culus ka fuliyay Jubadda Hoose

Kismaayo (Raxanreeb Online) Ciidamada Dowladda Jubaland, iyo Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 162-aad ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal qorshaysan, kaas oo ka dhacay deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga Jubba ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo marinno ay isticmaali jireen kooxda Al-shabaab.

Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay xaqiijiyaan amniga, adkeeyaan heynta goobaha muhiimka ah, isla markaana cadaadis xooggan saaraan kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha Jubaland ee hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in cadowga lagu beegsaday goobihii ay isku uruursanayeen, halkaas oo lagu burburiyay xarumo iyo agab ay adeegsanayeen. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ciidamadu ku sugan yihiin goobihii ay gacanta ku dhigeen, iyagoo halkaas ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidanka Jubaland ayaa sii xoojiyay dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida gobolka, iyagoo muujiyay geesinimo, xirfad iyo wada-shaqayn buuxda oo ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.