Ciidanka Kumaandooska Danab oo hub fara badan gacanta ku dhigay

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta ee Jubbalad, oo 48 saac ee lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan kawaday deegaano ku yaalla gobolka Jubbada Hoose, ayaa gacanta ku soo dhigay hub fara badan oo isugu jira Qoryaha noocyadiisa kala duwan.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Jubbaland, ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana ciidanka ay guulo weyn kasoo hoyeen .

“Halyeeyada ciidanka Dowladda Jubaland iyo kuwa Kumaandooska Danab oo ilaa shalay waday howlgal qorshaysan oo lagu qaaday fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa gacanta ku dhigay hub badan oo isugu jira qoryo noocyo kala duwan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono ilaa kooxda Al-shabaab laga sifeeyn doono deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.