Hiiraan (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka, ay xalay ka fuliyeen deegaanka Mubaax ee katirsan gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada xoogga, ku dileen horjooge sare oo katirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiin Cali Qoyane, kaasi oo ciidanka ku beegsadeen deegaanka Mabaax ee hoos taga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in horjooge Cali Qoyane inuu ahaa horjooge muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, masuulna uu ka ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada Gobolka Hiiraan.
Waxaana la sheegay in arrintaas ay keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa la sheegay in horey xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii ay ku heshay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin.
Sikastaba, Howlgalka xalay lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamada Degaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan Gobolka Hiiraan, kaasi oo la sheegay inuu yahay mid ka dhan kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply