Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ka soconaya dadaalo la isugu keenayo xubnaha mucaaradka ah ee maamulkaas iyo Madaxwayne Saciid Dani.
Dhinacyadan aya ku kala fogaaday , arrimaha doorashooyinka iyo in la furo dastuurka taas oo sababtay in rabashado ay ka dilaacaan magaalada Garoowe ee Puntland.
Odayaasha dhaqanka & ismimada maamulkaas ayaa ka qayb qaadanaya dadaalada la isugu keenayo dhinacyada mucaaradka ee hoggaanka hadda talada haya ee Puntland.
Wufuud kala duwan ayaa kusii qul quleysa magaalada Garoowe, waxaana xubnaha gaaray kamid ah, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo ka tegay magaalada Gaalkacyo. Horey waxaa magaalada Garowe u joogay isimada Nugaal, iyo kuwa SSC.
Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa ka mid ah dhinacyada ku howlan xal u helida khilaafka doorashada iyo rabashadihii ka dhacay magaalada Garoowe ee Puntland.
Khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo furista dastuurka Puntland ayaa weli ka taagan magaalada Garoowe, waxaana jira siyaasiin badan oo wali ka gadoodsan doorashada Puntland
Leave a Reply