DAB ka kacay suuqa Xamarwayne & Bililiqo ka socota halka dabka uu ka kacay.

DAB ka kacay suuqa Xamarwayne & Bililiqo ka socota halka dabka uu ka kacay.

Muqdisho (Raxabreeb ) Dab aad u xoogan ayaa ka kacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir kaas oo la sheegayo inuu ku faafaya goobo badan oo ganacsi ah.

Halka uu dabka ka socda waxaa ka ag dhow  kaalin shidaal  taas oo sii kordhisay cabsida laga qabo waxyeeladu inay sii kordho.

Dad aad u fara badan ayaa isugu soo baxay halka uu dabka ka kacay ee degmada Xamarwayne ee magaalada Muqdisho.

DHANKA KALE :

Bililiqo ayaa la sheegayaa inay  ka billaabatay dukaamo ku agyaalla goobaha  uu si aad ah ugu sii faafayo dabka xoogan ee ka kacay degmada Xamarweyne kadib markii korontada laga wada demiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.