Dagaal culus oo ka socda deegaan ku yaalla gobolka Awdal

Borama (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya gobolka Awdal ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo tuulada Osoli oo hoos timaada Degmada Lughaya ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo ciidamada deegaanka iyo jabhada Ciisaha ee weerar ku soo qadeen deegaanka. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan jabhada Ciisaha ay weerar kasoo qadeen gobolka siti iyo jabuuti.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay mareyso 3, haka dhaawaca uu yahay 1 qof, waxaana kuwo dhintay iyo ku dhaawacmay la sheegay in ay yihiin kooxaha dagaalamayay.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay tilmaamayaan in xaaladu ay adag، isla markaana dagaalka uu yahay mid culus oo deegaanka saameyn ku yeeshay.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.