DEG -DEG : Kooxda AS oo weerar ku qaaday degmada Balcad.

DEG -DEG : Kooxda AS oo weerar ku qaaday degmada Balcad.

Balcad (Raxanreeb )- Wararka saaka laga helayo degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas kooxda Al- Shabaab weerar ay ka gaysteen.

Kooxda Alshabab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku soo qaaday Degmadda Balcad halkaas oo ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah Magaaladda.

Khasaare ayaa la sheegayaa inuu jiro laakiin lama hayo tirada sabab la xiriirta weerarkan oo goordhaw halkaas ka bilowday.

Ilaa iyo hadda waxaa la sheegayaa in weerarka uu socdo waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaasta labada dhinac ee ciidanka Dowladda & kooxda Al- Shabaab .

Leave a Reply

Your email address will not be published.