DENI ” Punlad danaheeda ayay kala macaamiilaysaa dal kasta “.

DENI ” Punlad danaheeda ayay kala macaamiilaysaa dal kasta “.

Garoowe (Raxanreeb )- Dowlad goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixisay go’ aankii ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee la xiriiray cayrinta Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in aysan quseyn go’ aanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee ku saabsan in la xiro Qunsilayada Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Waxa lagu sheegay qoraalka Puntland ka soo baxay in wax laga xumaado ay tahay warka ka soo baxay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo ay kag hadashay arrimaha u gaarka ah Puntland.

“Dowladda Puntland waxey cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha calamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland” Madaxtooyada Puntland.

Dowladda Soomaaliya & maamul goboleedka Puntland ayaa ku kala fogaaday wax ka bedelka Dastuurka KMG ah waxaana meesha ka baxay dadaalo la isugu soo dhawaynayo labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.