DF iyo Maamul Goboleedyada oo Baydhabo Shir uga furmay

DF iyo Maamul Goboleedyada oo Baydhabo Shir uga furmay

Baydhabo (Raxanreeb) — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Wasiiraga ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud, iyada oo halkaas ay ku soo dhaweeyeen Wasiiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil katirsan Maamulka KGS.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka iyo kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Magaaladaas uga furmaya.