DF oo sheegtay in ay gargaar iyo dhakhaatiir ay u direeyso Gaza

DF oo sheegtay in ay gargaar iyo dhakhaatiir ay u direeyso Gaza

Muqdisho (Raxanreeb) — Gudoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle oo saaka ka hadlayay isu soo bax lagu xusayay qaraxii Soobe 2 ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadda ka taagan magaalada Qasa.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin in gargaar iyo dhakhaatiirba u diraan Marinka Qasa, haddii dib loo furo Marinka Rafax.

“Hay’dda Maaraynta Musiibooyinka waxay ku talo gashay haddii la furo Marinka Qasa in ay u diri doonto gargaar, ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, ummadda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato, iyadoo idin kaashanaysa in la geeyo, waxa diyaara dhakhaatiir mutadawiciin ah, waxa diyaara waxa ummadda Soomaaliyeed iska soo ururisay, waxan diyaar u nahay haddii la furo Marinka Rafax ee Masar in aan Qasa kaalmo u gayno” ayuu yiri Maxamuud Macalin.

Maxamuud Macalin ayaa is barbardhigay dhibaatadda Al-Shabaab ay ku hayaan Soomaaliya iyo dhibta uu sheegay in Israa’iil ka gaysanayso Qasa.