Laftagareen oo ka wada Waajid Abaabul ka dhan ah, Al-Shabaab

Laftagareen oo ka wada Waajid Abaabul ka dhan ah, Al-Shabaab

Waajid (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka iyo labada gole ee maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka Diyaarada Magaalada Waajid wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Qeybaha kala duwan Bulshada iyo Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Booqashadaan ayaa ku soo aadaysaa xilli maalintii shalay uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isaga oo halkaas kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.