Muqdisho ( Raxanreeb ) Wada- hadalada Soomaaliya & Somaliland oo hakad galay intii ay jirtay Dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dowladda Federaalka ee Madaxwayne Xasan Sheekh shaacisay in la sii ambaqaadi doono.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in wada hadalka walaalaha Somaliland loo mari doono si ay ku jirto danaha ummadda Soomaaliyeed.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa warkiisa ku daray in Dowladda Soomaaliyeed diyaar ay u tahay in ay sii amqaado wada hadaladii socday si loogu gaaro guul- wax ku ool ah.
13 April 2013: Xasan Sheekh Maxamuud oo Soomaaliya wakhtigaa ka ahaa madaxweyne iyo Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo ayaa ku kulmay dalka Turkiga, iyadoo kulanka dhex maray uu goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hada ah Madaxweynaha Turkiga.
Kulankan waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga, Waxaa labada wafti u kala dab qaadayey Wasiirkii arimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu.
11-kii bishan Febrwery 2020:Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa.
labada hoggaamiye ayaa ku kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Leave a Reply