DF Somalia oo Dhaqan-gelisay nidaamka canshuuraha eTCN ee Maraakiibta Soo galaya Dalka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah u billowday hirgelinta nidaamka casriga ah ee canshuuraha elektarooniga ah ee loo yaqaan eTCN, kaas oo lagu dabaqayo dhammaan maraakiibta ganacsi ee ku wajahan dekedaha dalka.

Nidaamkan cusub ayaa hadda si toos ah uga shaqeynaya dekedo ay ka mid yihiin Berbera iyo Boosaaso, iyadoo lagu wargeliyay shirkadaha caalamiga ah ee qaabilsan konteenarrada in aysan qaadi doonin wax badeeco ah oo u socota Soomaaliya, haddii aanay haysan fasax iyo diiwaangelin sax ah oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkadaha xamuulka qaada ayaa ganacsatada si cad ugu adkeeyay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay eTCN, iyaga oo tilmaamay in badeecad kasta oo aan raacin nidaamkan cusub aan loo oggolaan doonin in la raro ama la dajiyo.

Geesta kale, dhowr konteenar oo dhawaan laga dejiyay dekedda Berbera ayaa si muuqata u muujinaya hirgelinta buuxda ee nidaamkan, taas oo caddeyn u ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah u dhaqangelisay xeerarkan cusub ee la xiriira la socodka iyo canshuurta badeecadaha dalka soo galaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in eTCN uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo dakhliga qaranka, lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, laguna ilaalinayo amniga iyo sharciyeynta ganacsiga dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.