DFS oo war culus kasoo saartay geerida Taliyahii ciidamada difaaca Kenya

DFS oo war culus kasoo saartay geerida Taliyahii ciidamada difaaca Kenya

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggeeda dalka Kenya, uga tacsiyeysay geerida Taliyihii Ciidamada Kenya, oo galabta ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaasi.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha, ciidamada iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya, geerida ku timid Taliyihii Ciidamada Difaaca Kenya Lt. General Francis Ogolla.

Dhanka kale Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa tacsiiyo u dirtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, ciidanka difaaca shacabka iyo dowladda iyo shacabka, geeridii ku timid taliyihii ciidamada difaaca ee dalkaasi, Lt. General Francis Ogolla.

Taliyaha ayaa saarnaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca taasi oo ku burburtay hawada dalkaasi kicitaankeedii inyar kaddib.

Shilkan ayaa ku dhimatay illaa iyo 8 ruux saraakiil iyo ciidan ahaa oo taliyuhu ku jiro, diyaarada ayaa ku burburtay galbeedka dalka Kenya.

General Francis Ogolla, oo dhaawac culus ahaa ayaa Isbitaal loola cararay isagoona inyar kadib dhaawacaasi u geeriyooday, sida ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah, ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya, ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah, isagoo isku dayey inuu qariyo xaqiiqada geerida Taliyaha.

Dowladda Kenya, ayaan weli wax hadal rasmi ah, kasoo saarin geerida ku timid Taliga ciidamada Difaaca General Francis Ogolla, inkastoo dadka qaar ay leeyihiin in war rasmi soo saareyso dowladda saacadaha soo aadan.