WARCUSUB : Israa’iil oo weerar ku qaatay Iiraan.

WARCUSUB : Israa’iil oo weerar ku qaatay Iiraan.

Tehran (Raxanreeb )-Telefishinka dowladda ee Iiraan ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay gobolka Isfahan ee badhtamaha dalkaas, kuwaasoo aan la garanayn waxa sababay, balse shabakadda ABC News ee Maraykanka oo soo xiganaysa sarkaal Maraykan ah, ayaa sheegtay in gantaallo ay Israa’iil soo riday ay ku dhaceen goob ku taalla dalka Iiraan.

Weerarkan ayaa dhacay subaxnimadii hore ee jimcaha sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee FARS, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

afhayeenka hay’adda hawada sare ee Iran ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in nadaanka difaaca cirku waxa uu si guul ah u soo riday dhowr diyaaradood oo yar yar, balse faahfaahin kama bixin halka ay diyaarahaasi ka yimaadeen.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale sheegtay in la hakiyay duulimaadyadii isaga kala gooshayay magaalooyin dhowr ah oo ay ku jiraan magaalada Isfahan ee bartamaha dalkaasi.

Weerarkan ayaa ah jawaab ay Israa’iil maalmihhii la soo dhaafay qorshaynaysay, ka dib markii Iiraan 13-kii bishan abriil weerar gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaday gudaha Israa’iil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.