Birqod ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday deegaanka Birqod oo katirsan gobolka Jajar ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Falkan naxdin leh ayaa yimid kaddib markii gabar ay mindi ku dishay hooyadeed.taasi oo muddooyinkii u dambeeyay la tacaalaysay xanuun dhanka maskaxda ah, iyadoo hooyadeed ay ahayd qofka daryeeli jiray inta ay xannunsanayd.
Gabadha falka geysatay ayaa la sheegay inay tahay hooyo dhashay saddex carruur ah. Dhacdadan ayaa gilgishay bulshada deegaanka, iyadoo ay dadku muujinayaan murugo iyo walaac xooggan.
Wararkii ugu dambeeyey anu ka heleyno deegaanka Birqod, ayaa sheegaya in hooyada geeriyootay qaban qaabada aaskeeda uu ka socdo deegaanka Birqod ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Leave a Reply