Muqdisho (Raxanreeb online) – 1.Dhaqan Foosha Xun.
-Xasan Dal Duleeye waa hooggaamiye ku caan baxay dhaqan xun,isagoo si bareer ah ugu takri fala awooddii qaranka,kana hor yimaada danta iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
2.Dhibaateynta Shacabka Danyarta ah.
-Halkii uu daryeel u fidin lahaa dadka danyarta ah,wuxuu si ula kac ah uga dhigay bartilmaameed dhibaato,isagoo u adeegsanaya awooddiisa inuu ku xoojiyo danihiisa shakhsiga ah.
3.Ku Tagri Falka Hantida Qaranka -Intii uu xilka hayey,wuxuu ku caan baxay xaalufinta hantida qaranka, isagoo aan waxba ka tixgelin mas’uuliyadda loo igmaday ama mustaqbalka ummadda.
4.Farqiga Hoggaamineed ee u Dhexeeya Xasan Dal Duleeye iyo Farmaajo.
-Xasan Dal Duleeye waa tusaale hooggaamiye fashilmay,halka Madaxweyne Farmaajo uu ku wareejiyey xilka mas’uuliyad iyo sharaf,ficillada Xasan Dal Duleeye waxay si cad u muujinayaan farqiga weyn ee u dhexeeya labadaan hooggaamiye?
5.Cadowga Dawladnimada iyo Shacabka.
-Xasan Dal Duleeye wuxuu caddeeyey inuu yahay cadow hor taagan dawladnimada,sharafta, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed,ficilladiisa waxay khatar ku yihiin mustaqbalka qaranka.
6.Xasan Dal Duleeye wuxuu Khatar Ku yahay Qaranimada Soomaaliya.
-Dhaqanka iyo ficillada Xasan Dal Duleeye waxay khatar weyn ku yihiin jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliya,isagoo daciifiyey isku duubnida ummadda iyo awoodda dawladnimo.
W/Q:Geesi Qaran Abdibarre Jibril.
Leave a Reply