DIL Garoowe loogu gaystay askari ka tirsanaa Puntland.

DIL Garoowe loogu gaystay askari ka tirsanaa Puntland.

Garoowe (Raxanreeb ) –Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay dil loo gaystay askari ka tirsanaa ciidanka maamulka Puntland gaar ahaan kuwa ka  howlgala magaalada Garoowe.

Hay’adaha amniga magaalada Garoowe ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen shaqsigii gaystay dilkaas kaas oo su’aalo lagu waydiinayo xabsiga uu ku xiran yahay.

Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedaysane Cabdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdixakiin Fiqi kaasi oo xalay lagu dilay caasimadda Garoowe.

Warbixin uu soo saaray Taliska Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi”.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in marxuumka la dilay ee Cabdixakiin Fiqi uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal balse faahfaahin dheeri ah kama bixin dhacdadaasi.

Saraakiisha amniga magaalada Garoowe ayaa sheegay inay  xoojin doonaan wax ka qabashada ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.