Muqdisho (Raxanreeb ) Dowlada Somaliya ayaa celisay diyaarad cargo ah oo kadiiwaangashan wadanka Thailand, registration P4-JAG, taasoo isku dayeysay inay u Kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.
Diyaaradda ayaa kuguuldaraysatay inay bixiso macluumaadka cargo ay wado taasoo shaki dhalisay keentayna in diyaarada ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed celiso una diido inay soo gasho hawada Soomaaliya.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saartay diyaarad ay maanta markale ka celisay Hawada Soomaaliya.
Qoraal ayaa sidan u dhigan:
Warsaxaafadeed
Muqdisho, January, 18, 2024 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa. Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya
Leave a Reply