‘’Diyaarad kasta oo ay saraan yihiin qof ka tirsan Hirshabeele hala duqeeyo’’

‘’Diyaarad kasta oo ay saraan yihiin qof ka tirsan Hirshabeele hala duqeeyo’’

Beledwayne (Raxanreeb ) – Khilaaf u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle  ayaa markale  soo laba kacleeyay maalmo uun ka dib markii magaalada Jowhar uu ku soo dhamaaday shir looga hadlayay xaaladda Hirshabeelle.

Shirka Jowhar waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle  kuwaas oo ka  kala tagay magaalooyinka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe .

Amar la sheegay inuu ka soo baxay maamulka Hiiraan ee ka gadoodsan Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in diyaaradii diida hadalkooda amar ay u qabaan ciidanka in ay dhulka soo dhigaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi  miimin Cilmi  ayaa Hay’adaha ka shaqeeya duulimaadka ka digay in ay ka dhega adeegaan amarka ka soo baxay  hoggaanka sare ee Hirshabeelle.

Cabdi  miimin Cilmi   ayaa ku eedayay madaxda maamulka Hirshabeelle in ay wiiqaayaan  sida uu hadalka u dhigay horumarka dadka deegaanka kuwaas oo in mudda ah lagu hayay warar been abuur ah

Waxaa muuqanaya in markale ay xiisad xaga siyaasada ah ay ka dhax bilaabatay siyaasiinta ku kala sugan Jowhar iyo Beledwayne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.