Diyaarad siday xidhibaano katirsan BJFS oo laga soo celiyay hawada Garoowe

Diyaarad siday xidhibaano katirsan BJFS oo laga soo celiyay hawada Garoowe

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay diyaaradii qaaday xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ku wajahnaa magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in diyaarada markii hawada gashay, isla markaana ay daqiiqado sii socotay, ayaa la sheegay in lagu amray in dib ugu soo laabato garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xildhibaanada la socday diyaarada dib loogu soo celiyay Muqdisho, ayaa dowladda federaalka ku eedeyey in tallabada ay qaaday inay tahay mid qalad ah, isla markaana tani ay abuuri karto xiisad siyaasadeed oo ka culus midii hore.

Safarka xildhibaannadan ayaa yimid ka dib markii ay casuumaad ka heleen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo si rasmi ah ugu yeeray xildhibaannada labada aqal ee laga soo doorto deegaannada Puntland.

Ujeedka kulanka loogu yeeray xildhibaannada ayaa ahaa wadatashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Sikastaba, tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaasi oo dhowr mar ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.