Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo Jilib duqeyn ka geystay

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo Jilib duqeyn ka geystay

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahnino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya weerar duqeyn oo lagu qaaday guri ku yaalla degmada Jilib ee Jubbada Dhexe Soomaaliya, xalay weerarkan ayaana lagu beegsaday saraakiil sar sare ee ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ahaa mid duqeeyn ah, kaas oo ay fulisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ee Soomaaliya ka caawiya howlgalka ka dhanka ah, Al-Shabaab.

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa xaqiijiyay in ay maqleeyn guuxa diyaaradda ayna ku xigtay labo gantaallo oo xoggan oo ku dhacay guriga la bartilmaadsanayay.

Ma jirto faah faahin laga bixiyay cidda iska leh diyaaradan geysatay duqeeynta taas oo lagu bartilmaadsaday xubno sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, sida aan wararka ku helnay.

Sidoo kale Al-Shabaab, ayaa ka hadashay weerarkan loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayna leeyihiin Mareykanka sidoo kalena ayna duqeysay guri dad shacab ah, ay leeyihiin, sida ay sheegeen.

Al-Shabaab, ayaa sidoo kale sheegay weerarka in ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah, ayna ku jirto gabar da’yar 11 sano jir ah, sida warsaxaafadeedkooda ku sheegeen.

Ma jirto warar kale oo ka madax bannaan khasaaraha ka dhashay guriga uu weerarka ka dhacay ee ahayd degmada Jilib ee Jubbada Dhexe Soomaaliya, halkaas oo saldhigga ugu weeyn Al-Shabaab, u ah.

Al-Shabaab, ayaa awooddeeda la wiiqay tan iyo marka uu xukunka yimid madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo howlgallo badan oo ka dhacay gobollada dalka qaarkii looga baacsaday dhul badanoo ay maamulayeen ku dhowaad 17 sanno.