Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo kale oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, xilli ay meel xun mareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland.
Sidoo kale, xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee tagi jiray magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa.
Dhanka kale, amarkan ayaa toos loola wadaagay shirkadaha diyaaradaha oo lasiiyay digniin ah in aysan ka dagi karin Kismaayo marka ay ka baxayaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Xayiraaddan ma saameyn doonto duulimaadyada gudaha ee isku xiro magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Maamulka Jubbaland ayaa horay iyaduna u qaaday tallaabooyin ay ku maamulineyso hawadeeda, iyada oo amaro dul-dhigtay diyaaradaha tega deegaanadeeda oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Amarkan cusub ee lagu joojiyay duulimaadyada Nairobi iyoi Kismaayo ayaa sidoo kale kusoo beegmay, kahor qabashada xafladda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo doortay 25-kii bishii hore, balse waxaa diiday dowladda federaalka, taas oo kaga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Jubbaland iyo dowladda federaalka
Ugudambeyn, xayiraadaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan Kenya uu booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza oo Kenya kala soo hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda kala dhexeeyo Jubbaland oo xiriir dhow laleh xukuumadda Nairobi.
Leave a Reply