Addis Ababa (Raxanreeb) — Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya bishan weerar ay qaadeen jabhad la mamnuucay, sida uu Arbacadii sheegay guddiga xuquuqul insaanka ee dowladdu magacawday.
Oromada ayaa ah halka ay ku nool yihiin qoomiyada ugu badan ee dalka Itoobiya, waxaana sanado badan ka dhacayay rabshado, kuwaas oo salka ku haya saluug siyaasadeed iyo dayac ay dowladda dhexe ka qabto.
Dilalka dhacay 2-dii Febraayo ayaa inta badan lala beegsaday dad barakacayaal ah oo ku sugnaa magaalada Ano oo qiyaastii 380 km (235 mayl) dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay warbixin ku sheegtay guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya (EHRC).
Warbixinta oo soo xiganaysa qoysaska dadka dhintay, goob-joogeyaal iyo hay’ado dawladeed, ayaa ku eedaysay weerarkan ciidanka Xoraynta Oromada (OLA), iyadoo aan la sheegin sababta loo weeraray.
OLA kama aysan jawaabin codsi faallo ah.
OLA waa koox sharci darro ah oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Oromada, oo ah xisbi mucaarad ah oo horay looga mamnuucay dalka dibaddiisa, ka dib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu xilka qabtay 2018-kii.