Sarkaal katirsan ciidamada Mareykanka oo sheegay buufinta lasoo riday Shiinaha inay basaas u ahayd

Sarkaal katirsan ciidamada Mareykanka oo sheegay buufinta lasoo riday Shiinaha inay basaas u ahayd

Washington (Raxanreeb) — Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in buufin Shiinees ah oo la soo riday ka dib markii uu ka soo gudbay qaaradda Mareykanka uu markii hore lahaa dariiq uu kula wareegi lahaa Guam iyo Hawaii, laakiin ay dabeylo ka qaadeen, sida uu yiri sarkaal sare Mareykan ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo Arbacadii.

Buufinta oo ay Washington ku eedaysay Beijing inay u adeegsatay ilaalinta, Shiinuhuna uu sheegay inuu ahaa markab cilmi-baadhiseed oo rayid ah, waxaanu ku wareegay jasiiradaha Alaska ee Aleutian Islands, ka dibna Canada iyo badhtamaha Maraykanka ka hor intii aanu ciidammada Maraykanku ku soo ridin xeebta South Carolina bishii 4. Feberaayo ee sannadkan.

Dhacdadan ayaa sii xumeysay xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha waxayna ku kaliftay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken inuu dib u dhigo booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Beijing toddobaadkii hore.

Millatariga Maraykanka iyo hay’adaha sirdoonka ayaa daba gal ku sameeyay buufinta markii laga soo qaaday jasiiradda Hainan ee u dhow xeebta koonfureed ee Shiinaha, sida uu sheegay wargeyska Washington Post Talaadadii.

Millateriga Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inay ka heleen qalabka Elektarooniga ah ee muhiimka ah ee buufinta iyo sidoo kale qaybo badan oo markabka laftiisa ah.