Dowladda oo Al- Shabaab oo fooda is daray & khasaaraha jira

Beledwayne (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxay iska hor imaad saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Dagaalka xoogiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degaanka  Afcad oo u dhaxeeya Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa u sheegay idaacada Dowladda in  dagaalkaas ay ku dileen saraakiilka tirsanaa kooxda Al- Shabaab hase ahaatee ma aysan sheegin khasaare soo gaaray ciidanka Dowladda.

Dagaalka kooxda Al- Shabaab iyo dowladda ayaa ka danbeeyay ka dib markii  ciidanka Dowladda ay ku qaadeen weerar fariisimo kooxda ay ku lahaayeen deegaanka Afcad halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen Al- Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa lagu soo waramayaa in ay ka sii dhaqaaqeen deegaanka dagaalka uu ka dhacay , iyaga oo garabsanaya kooxaha Macwiislayda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.