Dowladda oo xarigga ka jartay buundada Sabiib iyo Caanoole

Dowladda oo xarigga ka jartay buundada Sabiib iyo Caanoole

Sabiib ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabellaha Hoose.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay howlgalka AUSSOM iyo dowladda Turkiga, sida lagu sheegay war ay soo saartay wasaaradda.

Buundadan oo dayactir lagu sameeyay ayaa muhiim u ahayd isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in furitaanka buundada ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha, amniga, iyo isku socodka bulshada deegaanka, waxaana ay dhanka kale ballan qaadeen in mashaariic kale oo horumarineed laga fulin doono guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose.

Geesta kale Buundadan ayay dowladdu sheegtay inay horey u burburiyeen al-Shabaab, taasi oo ay sheegtay in Shabaab aysan dadka u ogoleen in ay horumar gareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.