Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa ciidamo baddela ATMS

Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa ciidamo baddela ATMS

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Dhexe iyo dowlad-goboleedyada ayaa hadda qaadanaya ciidan boolis ah oo gaaraya afartan kun oo ciidan ah.

Ciidankaan cusub ayaa waxaa labaatan kun oo kamid qaadanaya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in ciidankan cusub ee booliska ah ay la wareegi doonaan booska ciidanka ATMIS, ee hadda Soomaaliya ku jooga howl-galka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisul wasaaraha in ciidankan booliska ah ay yeelan doonaan sharuudo adag marka ay timaado qaadashadooda, maadaama ay yihiin kuwii beddelaya ATMIS, ayna kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan ammaanka guud ahaan dalka.

Dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in warbixin looga dhageysto Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli Golaha Ammaanka ee QM uu dhawaan si rasmi ah u hakiyay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Golaha ayaa muddo saddex bilood ah hakiyay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS.

Go’aankan ayaa yimid ka gadaal markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka, si ay xilligaan gacan uga geystaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka ku deeqay ciidamada xoogga dalka.

Kadib dhinacyada ayaa isku raacay in muddo 90 maalmood ah oo saddex bil ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ee 2024 ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidamada Soomaalida, taasi oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya.