Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay horjooge Macallin Ayman

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay  dishay horjooge Macallin Ayman

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo cusub ayaa kasoo baxaya duqeyn 17-kii bishan December, ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe Soomaaliya, taasi oo la sheegay in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Madaxda kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha CXDS, Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa sheegay in duqeynta Jilib lagu dilay horjooge lagu magacaabo Khaliif Daa’uud, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaallada.

Taliye Ibraahim, oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa u sheegay, 17-kii bishan duqeynta degmada Jilib, ka dhacday lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo magaciisa afgarashadu yahay Macallin Ayman.

Ayman ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarro hore uga dhacay gudaha Kenya, oo ay beegsadeen saldhigga Mareykanka ee Manda-Bay ciidamda Kenya, iyo weerarro badan oo loo maleegay Shacabka Soomaaliyeed, ee ku dhaqan dalka iyo gudaha Kenya.

Macallin Ayman, horey waxaa xayiraad saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ahaa aasaasaha ‘Jaysh-Ayman’ oo ah, guuto ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka kuwaas oo weerarro ka fuliya gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale Macallin Ayman, Dowladda Mareykanka ayaa dul dhigtay abaal marin lacageed, iaydoo loo daba taagnaa weerarkii saldhigga Manda-Bay.

Dhanka kale, War Saxaafadeed ay AFRICOM soo saartay ayaa lagu sheegay inuu qaadeen duqeyn cirka ah, taas oo dhacday 17-kii Bishan December, lagu beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe Soomaaliya.

AFRICOM, ayaa qoraalkeeda lagu sheegay in weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, kaasoo aanay magacaabin, balse aysan jirin wax khasaare ah, oo dadka shacabka kasoo gaaray duqeeyntaasi.

Howlgalkaasi, ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoona lagu yareeynayo khataraha kooxda Al-Shabaab, ee dalka iyo dibeddaba.