Madaale “Booliska Amniga caasimadda door weyn ayay ka qaateen”

Madaale “Booliska Amniga caasimadda door weyn ayay ka qaateen”

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo ka qeeybgalay munaasabad lagu xusayay sannad guurada 80-aad ee laga joogo aasaaska Booliska Soomaaliya, ayaa bogaadiyay shaqada ay bulshada u haayaan booliska.

Madaale, ayaa sheegay in shaqada amniga ciidamada booliska kaalin weyn ka qaateen sidoo kalena wuxuuna kula dardaarmay inay sii xoojiyaan howlaha horyaalla dhanka amniga ah.

Duqa Muqdisho, ayaa sheegay in Boolisku uu door firfircoon ka qaatay la dagaallanka walxaha maanka-dooriya, xakamaynta hubka, ciyaar weerada, dilalkii loo gaysanayay dadka iyo adkaynta amniga Caasimadda Muqdisho.

“Dadku waxa ay mudane Madaxweyne aad u hadal hayaan isbaddelka amniga magaalada Muqdisho, oo taladaada lagu shaqaynayo, dilkii faraha badnaa ee bajaajlayda maalin weliba dhiman jirtay waa laga gudbay, dagaalladii ciidamada dhexdooda ahaa sidoo kale, Ciyaal weeradii iyo burcaddii iyagana Alxamduliilaah, Booliiska doorkiisa ayuu qaatay, Booliisku dedaalkaas ay muujiyeen waa waxyaabo loo baahnaa, haddii ay ahaan lahayd Daroogadii, akhlaaq darradii iyo burcadda” ayuu yiri Madaale.

Booliska Soomaaliya, ayaa u dabbaal degaya sannad guuradii 80-aad ee kasoo wareegatay aasaaskoodii, iyadoona munaasabad ka dhacday Muqdisho uu ka qeeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amniga Muqdisho, ayaa u eg mid soo hagaagaya kaasoo markii hore Booliska tabar u waayeen weerarada qaraxyada dilalka qorsheysan iyo Ciyaal Weerada.

Qubarrada Amniga ayaa qaba in ciidamada cusub oo lagu soo tababaray dalka Ugandha oo loo yaqaano Boolis Millatari, kuwaas oo dalka dib loogu soo celiyay in ay wax ka baddeleen amniga caasimadda qaraxyada Ciyaal weerada iyo dilalkii qorsheeysnaa walow mararka qaar ay dhacaan.