Dowladda : Yaa xilka laga qaadi rabaa Yaase la magacabayaa !

Dowladda : Yaa xilka laga qaadi rabaa Yaase la magacabayaa !

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya isku shaandhaqayn aad loo hadal hayo oo lagu samayn doono dhawaan Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Sida xogaha la sheegaya meelaha ay saamayn doonto isku shaandhaynta ayaa ah Wasaaradaha amniga Qaranka , Arimaha gudaha & wasaaradda arimaha dibadda.

Isbedalkan ayaa xukuumadda Soomaaliya samaynaysa ka dib markii maalmo  ka hor  la meelmariyay  cutubyo ka mid ah Dastuurka oo muran badan uu ka taagan yahay .

Dhankale : Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu horey isaga casilay Abshir Cumar Huruuse ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in loo magacaabayo Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa isna wararka sheegayaan in la geenayo booska wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu banneeyay safiiska Soomaaliya u jooga dalka Qatar ayaa iyana wararku sheegayaan in loo magacaabayo siyaasiga caanka ah Sen. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag.

Waxa ka soo muuqan doono sida wararka la helayo ay sheegayaan , xubno loo balan qaaday xilal kuwaas oo aad u riixayay , wax ka bedelka Dastuurka in lagu guulaysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.