Shabeellaha Dhexe ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta galabtii kormeer ku tegay deegaanka Qorillow oo ay ku taalla xero ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka, oo kamid ah xarumaha istiraatiijiga ah ee ciidanka.
Mudane Muungaab, oo qayb ka ahaa wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhowaan bilaabanaya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Kormeerka Duqa Muqdisho ee furimaha hore ayaa loo arkaa tallaabo dhiirrigelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa hawlgallada dalka ka socda, iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka, kuwaas oo hadda u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta, xilli dowladda Soomaaliya ay soo gebagabaysay diyaar-garowgii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Leave a Reply