Eritrea oo si adag u diiday in Jabuuti dekad siiso Itoobiya hanjabaadna dirtay.

Eritrea oo si adag u diiday in Jabuuti dekad siiso Itoobiya hanjabaadna dirtay.

Eriteria (Raxanreeb online) – Dowladda Eritrea, ayaa si adag uga hortimid qorshaha ay dowladda Jabuuti ku dooneyso in dowladda Itoobiya ku siiso dekadda magaalada Tojora, ee kutaalla marin xuduudeedka u dhaxeeya labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay in dalkiisa uusan aqbaleyn qorshaha Jabuuti ku dooneyso in Itoobiya ku siiso dekadda Tojora, waxa uuna caddeeyay in Jabuuti ka shaleyn doonto haddii ay dekadaasi Itoobiya siiso.

“Dowladda Eritrea marna ma aqbalayso in dekadda Tojora la siiyo Itoobiya, Jabuutina way ka shalleyn doontaa haddii ay si waddo tallaabadan ay qaadday,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalax.

Dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa waxaa u dhexeeyay dagaal ka dhashay muram dhul oo aan weli xal laga gaarin, sidoo kale Eritrea iyo Itoobiya ayaa iyagana waxaa horay u dhex maray dagaal ka dhashay muran dhanka dhulka ah, inkastoo la xalliyay, balse ay weli jiraan xiisado u dhexeeya labada waddan.

Hadalkan kasoo yeeray Eritrea ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti sheegay in dowladda Jabuuti dooneyso in Itoobiya siiyaan dekad, si loo qaboojiyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya meeshana looga saaro damaca Itoobiya ee ku aadan in dekad ka qaadato Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.