GALMUDUG  : Weerar dad rayid lagu dilay oo ka dhacay Dhabad ,Galgaduud.

GALMUDUG  : Weerar dad rayid lagu dilay oo ka dhacay Dhabad ,Galgaduud.

Dhabad (Raxanreeb )- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud halkaas oo in mudda ahba rabshado ay ka jiraan.

Weerarkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay geysteen Maleeshiyaad hubeysan oo rasaas ooda kaga qaaday Dad shacab ah oo ku sugnaa afafka hore ee Degmada dhabad ee gobolka galgaduud

dadka shacabka ah ee la rasaaseeyay ayaa lasoo warinaya iney dhimasho iyo dhawac ku noqdeen werarkaasi

Ilaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal qof halka tiro kalana ay ku dhawacmeen werarkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhacdadaan lagu rasaaseeyay dadka shacabka ah iney salka ku hayso arrimo la xariira aanooyi  qabiil oo ka jira Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.