Koonfur Afrika ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa ganacsade Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay xaafadda Philipi oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afirka.
Alle ha u naxariistee Mawaadin la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamud Cabdi Cismaan, kaasi Burcad koonfur Afrikan ah ay ku dileen dukaankiisa isagoo ku guda jira howlahiisa shaqada.
Lama so sheegin wax dhac ah oo ay dukaanka u geeysteen burcada hubeeysan iyagoo dilka kadib isaga baxsaday goobta
Xubno Kamid ah Jaaliyadda Somalida Ee magalada Cape Town, ayaa gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo booliska ka dalbaday in lasoo qabto raggii dilka ka dambeeyay, isla markaana sharciga la marsiiyo.
Dalka Koonfur Afrika, waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto ganacsato Soomaaliyeed, iyada oo kooxaha burcada ah weerarka fuliya ay boobaan dukaada mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hortagta falalkan soo laab laabtay ee ay la kulmayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh dalkaasi.

Leave a Reply