Gargaar la gaarsiiyay qoysas ka barakacay Baladweyne

Gargaar la gaarsiiyay qoysas ka barakacay Baladweyne

Muqdisho (Raxanreeb) — Maamulka Gobolka Hiiraan, oo gargaar binia’aadannimo gaarsiiyay dad shacab ah, oo dhowaan ka barakacay magaalada Baladweyne oo tafahaad xooggan ku dhufatay, halkaas oo weli dad badan ay ku go’doonsanyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si siman loogu qeybiyay dhammaan shacabkaasi oo ku nool duleedka Baladweyne.

Hay’adda Maareeynta iyo Musiibooyinka Qaranka, ayaa deeqdan dhowaan gaarsiiyay gobolka Hiiraan, si loogu caawiyo qoysaska ka barakacay fatahaadaha xooggan ee saameeyay magaalada Baladweyne.

Sidoo kale guddoomiye Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow, ayaa sheegay 600 illaa iyo 700, oo qooys kuwaas oo ku dhaqan Ceel Jaalle, ay si rasmi ah, aan la musuq maasuqin u gaarsiiyeen gargaarka ayna ku farxeen qoysaskaasi.

“ilaahay fadligiisa waxaa maanta gargaar gaarsiiyay dad gaaraya 700 oo qoys deeq naga soo gaartay Dowladda Federaalka gaar ahaan Hay’adda SODMA, waxa aan u mahadcelineynaa cid weliba oo dadkaan tabaaleysan xiligaan wax soo gaarsiisay, deeqdaan waxa aan Dadka ceel jaalle degen gaarsiinay iyada oo aanay musuq-maasuq lagu sameyn” ayuu yiri Sufuroow.

HirShabeelle, gaar ahaan magaalada Baladweyne, ayaa ka dhacay fatahaad xun taasoo weli ay jirto qoysas ku go’doonsan isla magaalada Baladweyne taasoo fatahaad xooggan ka dhalisay walow lasoo weriyay carruur gaajo darteed ugu geeriyooday maamlmo ka hor Baladweyne.